Gudoomiyaha Puntland Diaspora Forum-UK oo shir-jaraa’id ku qabtey xafiiskiisa London,ayaa ugu horeeyn wuxuu faahfaahin ka bixiyey xaaladda guud ee dalku ku suganyahay iyo abaarahu sideey u saameeyeen.Warsaxaafadeedka gudoomiyaha ayaa u dhignaa sidatan.
Guud ahaanba Somaliya waxaa ka jira abaaro aad u xoogan,abaarahaasna waxaa sababey roob la’aan haysatay dalka muddo dheer,halkaas oo dallagii la beeran jirey baab’ay,islamarkaasna ay dhamaadeen xoolihii baadiyaha lagu dhaqan jirey,taasna waxay horseed u noqotey in la waayo wixii la cuni lahaa iyo biyihiiba.Waxaa lagu qiyaasaa in abaartaan oo kale ay dalka ugu dambeeysey 1974-kii oo ah muddo laga joogo 37 sano,balse ay ahayd waqti ay dowlad dhexe oo shaqeeyneeysa dalku lahaa.
Guddoomiyaha iyo xubnaha PDF-UK waxay ugu baaqayaan ummadda soomaaliyeed, in si hagar la’aan ah DEEQ DHAQAALE u gaarsiiyaan dadka soomaaliyeed ee abaarta iyo macaluusha la ildaran.
Waxaan ka codsanaynaa soomaalida guhada waddankii ku nool iyo kuwa dibadda ku noolba, inay gargaar deg deg ah u fidiyaan dadka tabaalaysan. Iyadoo ay dhalatey bishii barakaysnayd ee soonqaadka, waa in sadaqooyinka loo diro dadkaas walaalaheen ah. Sadaqadaas waxay ka mid tahay meelaha ugu habbon oo sadaqo lagu baxsho.
Sidoo kale guddomiye Abdiwelli M. Gurey ayaa sheegey in ay taageero buuxda la garab istaagtan yihiin hay’adaha samafalka,Dowladda TFG iyo maamul goboleedyada soomaaliyeed ee ku mashquulsan sidii ay dadkooda dhibaateeysan ugu gargaari lahaayeen si ay ugu sabata bixiyaan abaaraha ku habsadey.
Xafiiska Puntland Diaspora Forum-UK
Gudoomiyaha-PDF-UKDr.Abdiweli Mahamud Gurey
walig@puntlanddiasporaforum.com www.puntlanddiasporaforum.com
