Categorized | events, news

Gabdhaha Puntland oo Xaflad casho sharaf ah u sameeyey

Posted on 27 October 2010

ALLBURTINLE(UK):  Xaflad casho saharaf oo ay soo qaban qaqaabiyeen haweenka reer Puntland ee London ayaa habeenimadii xalay waxa ay ka dhacday hodheelka weyn ee Blue Ocean ee ku yaal galbeedka magaaladan London.

Xafladan oo loo Sameeyey wasiirka gaadiidka badda iyo dakedaha  Mudane saciid maxemed Raage iyo Agaasimaha  guud ee wasaaradaas Cabdirisak Maxamed Dirir xubina  uga ah dawalada fadaraalka ladagaalanka burcad badeeda. Ka hor inta aan cashadu bilaaban ayaa waxaa hadal soo dhaweyana furey gabadh  ka mid ah gabdhihii soo qaban qaabiyey xafladan oo lagu magacaabo Marwo Sahra Musse iyo Caasha Cabdilaahi waxayna ka war bixiyeen sida had iyo jeer ay haweenka Puntland ee qurba joogta ah ay xil isaga saaran ka shaqaynt iyo xiriirinta danaha dalkooda iyo dadkood, waxayna waftiga wasiirka uga mahad celisay sida habsamida leh ee ay u wadaan hawlihii loo xil saarey.

Guud ahaan iyo gaar ahaanba  Intaa ka dib waxaa hadalka lagu soo dhaweeyey Wasiirka  waxa uu na  aad uga hadlay  dhaqaalaha dalka iyo xaalada guud ee maanta dalku marayo waxuuna ka codsadey inay haweenku hawshooda sii laban laabaan.  Waxa kale oo uu wasiirku tilmaamey  haweenku  yihiin laf dhabarka wadanka sidaa daraadeedna ay gudaha iyo dibadaba ay hawl culisi  sugayso.

Waxaa isaguna  hadal dheer oo ku saabsanaa burcad badeeda iyo dhibaatooyinka ay wadanka ku hayaan ka hadley agaasiama guud ee la dagaalanka burcad badeeda Mudane Cabdirisaak Maxamed Dirir  isagoo  sheegay sida kaliya ee xal loogu heli karaa inay  tahay wacyi galin loo dhan yahay oo loo saameeyo burcad badeeda.

Waxaa iyana shirka lagu casumey xubno ka socday bahda warbaahinta Puntland ee London waxaana hadel dheer kasoo jeediyey Cabdiqani Farah Dhashane  tilmaameyna sida warbaahinta Puntland ay uga qayb qaadato waxqabadka dalka, wacyi gelinta iyo xiriirinta dadweynaha. Waxaana uu Dhashane fariin u direy dawlada Puntland inay cafis u fidiyaan agaasimihii  Horseed Media ee Bosaaso, wariyahaas oo maxkamad ku taal Boosaaso ay 6 sano oo xarig ah ku xukuntay.

Ugu danbayntii waxaa xafladaas hadalo ka jeediyey  wakiilada Puntland u jooga Yurub iyo UK, Mudane Maxamed Hasaan Bare iyo Dr. Cabdulqaadir Farah  Jibriil.

ALLBURTINLE.COM(UK)

Leave a Reply

Our Flickr Photos - See all photos

Related sites