|
Shabaab: Waxaan joognaa Kulbiyoow
|
Xarakada Shabaab ayaa sheegtay in ay maamulkooda ku ballaariyeen jasiiradaha hawdka ee koonfur ka xiga magaalada Kismaayo.
Afhayeenka maamulka Kismaayo ee gobolka Jubadda Hoose Shiikh Xasan Yacquub Cali oo BBC la soo xiriiray ayaa sheegay in ay tageen tuulada la yiraahdo Kulbiyoow oo ku taalla soohdinta Soomaaliya iyo Kenya. Afhayeenku waxa uu sheegay in ay u tageen deegaankaasi sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen shareecada Islaamka, isla markaana ay u sugi lahaayeen ammaanka deegaanka. Xarakada Shabaab oo la dagaallamaysa dowladdda KMG ah ee Soomaaliya ayaa inta badan gacanta ku heysa gobollada koonfureed ee Soomaaliy. __________________________________________________________________________________________________________________________
|
|||||||||||||
| latest news about the somali crisis and somalia overall | |||||||||||||||
A hand grenade hurled at a hotel in Somalia’s restive capital Mogadishu has seriously injured two Somali lawmakers, eyewitnesses said. more news at horseed media |
|||||||||||||||